Ruushka oo awooda Vito u isticmaalay qaraar ka dhan ahaa Siiriya

Ruushka ayaa codka diidmada qayaxan ku horjoogsaday qaraar qabyo ah oo ay soo diyaariyeen Maraykanka, Britain iyo Faransiiska, kaasoo lagu dalbanayay in xukuumadda Suuriya ay ogolaato in baaritaan lagu sameeyo weerarkii kimiikada loo adeegsaday ee dhacay todobaadkii tegay.

Weerarkaasi ayaa ku dhawaad 90 qof ku dilay degmada ay mucaaradka haystaan ee Khan Sheikhoun.

Dood kulul oo Golaha Ammaanka ka dhacday ka hor inta aan codka loo qaadin qaraarka qabyada ah, ayaa safiirka Maraykanka, Nikki Haley, waxa ay sheegtay in mar hore la rabay inuu Ruushka joojiyo difaacidda madaxweyne Assad.

Balse ergeyga Ruushka u fadhiya Qaramada Midoobay, Vladimir Safronkov, ayaa sheegay in uu la yaabay sida ay waddamada galbeedka u dhaliilayaan hogaamiyaha Suuriya, ayaga oo aan xog ogaal u ahayn waxa ka socda dalkaasi.

Weerarkii kiimikada loo adeegsaday ayaa dhaliyay in Maraykanka uu gantaalada cruise-ka ku garaaco saldhig ay leeyihiin ciidanka cirka ee Suuriya,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

Halkan ka daaawo muuqaalka

https://youtu.be/inHbvrvELj4


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading