Ruushka oo Gantaalo ku garaacay Xarun Tareen

Ruushka ayaa gantaalo ku garaacay saldhigyada tareenada oo dhowr ah oo ku yaalla bartamaha iyo galbeedka Ukraine.

Mid ka mid ah xarumaha madfaca lagu garaacay ayaa ku taala bariga Lviv.

Maksym Kozytskyi, oo ah madaxa gobolka Lviv, ayaa ku baahiyay Telegram-kiisa in gantaal uu ku dhacay xarun koronto oo halkaas ku taal abaaro 08:30 xilliga maxalliga ah.

“Weli ma jiro xog ku saabsan khasaaraha,” ayuu yiri.

Goobta uu dabka ka kacay ayaa waxaa ku sugan Ciidamo gurmad ah oo ku howlan daminta dabkaasi.

Muuqaal baraha la soo galiyay ayaa muujinaya qiiq madow oo ka soo baxaya goobta.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading