Ruushka oo Iran siiyay Gantaalo iyo Maraykanka oo Israa’iil siiyay kuwii ay iskaga Difaaci lahayd

Dowladda Mareykanka,ayaa ku dhawaaqday in ay Gantaallo casri ah oo difaaca Cirka ah iyo Ciidamo Mareykana ah ay u direyso Israa’iil.

Madaxweyne Joe Biden,ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid lagu difaacayo Israa’iil.

Afhayeen u hadlay Aqalka Pentagon-ka ee looga arrimiyo Waaxda Difaaca Mareykanka, Major General Patrick Ryder, ayaa ku tilmaamay daabulista hubkan in ay qeyb ka tahay taageero ballaaran oo uu Mareykanka bilihi lasoo dhaafayay siinayay Israa’iil, si buu yiri looga difaaco Iran iyo kooxaha ay taageero danaha Mareykanka ee Gobolka.

Waxaa jira oo kale xogo sheegaya in Ruushku siiyay Iran Gantaalo khatar ah iyo Hub kale,sidaana Mareykanku udadajinayo Gantaaladan Difaaca Cirka.

Go’aan,ayaa ku soo beegmay iyada oo la filayo in Israa’iil ay jawaab ka bixisyo duqeynti cusleyd ee ay 1-di bishan Oktoobar kala kulantay Iran oo ku garaacday in ka badan 180 Gantaallada guuxooda ka dheereeya ah.

 

Warbixinta Qaar,waxaan kasoo xiganay VOA.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading