Ruushka oo ku hanjabay markale isticmaalka Niyuukleerka

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin,ayaa uga digay Reer Galbeedka Arbacadii in Ruushku uu isticmaali karo hubka Nukliyeerka haddii lagu soo weeraro Gantaalaha caadiga ah.

Putin,ayaa sidoo kale sheegay in weerar kasto oo lagu soo qaado Ruushka, kaas oo ay gadaal ka taagan tahay Dowlad ku hubeysan Niyukleer, in Moscow ay u tixgelin doonto mid si wadajir ah loogu soo qaaday.

Putin oo furay shirka Golaha Amniga Ruushka,ayaa sheegay in isbaddaladani dhanka Niyukleerka ah ay Dowladdiisu uga jawaabeyso, isbaddalka deg-dega ah ay ku dhacaya muuqaalka dunida kaas oo uu sheegay in uu khatar ku yahay Ruushka.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading