Ruushka oo sheegtay in uu dilay Xalay in ku dhow 500-Askari

Wasaaradda Difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in Ciidanka Cirka ee Ruushka ay weerareen 87 Saldhig oo Milatari oo ku yaalla Ukraine.

Ruushka ayaa sheegay in ilaa 500 oo askari oo Ukraine ah ay ku dhinteen weerarka ay xalay qaadeen. Waxayna sheegeen in laba goobood oo hubka lagu kaydiyo oo ku taala magaalada Kharkiv ay beegsadeen.

Wasaaradda Difaaca ayaa sidoo kale barteeda Internet-ka soo dhigtay muuqaal la sheegay in uu muujinayo keydka saldhigyada ciidamada Ukraine, taasi oo askarta Ruushka ay sheegeen in hadda ay la wareegeen.

Taangiyada dagaalka iyo gaadiid kale ayaa halkan lagu arkayaa.

https://twitter.com/mod_russia/status/1518873799990599680?t=fLsEOk2q8mwjUvhV-JyEHA&s=19

Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading