Ruushka oo weeraradii ugu badnaa la beegsaday Ukrain

Ruushka,ayaa Ukraine la beegsaday mowjado kale oo duqeymo ah, maalin kadib markii mid ka mid ah weerarradiisii ​​ugu weynaa ee dhanka cirka ah u uku qaaday Ukraine digniinaha duullaanka hawada ayaa la soo saaray subaxnimadii talaadada, iyadoo kormeerayaasha Ukraine ay ogaadeen in diyaaradaha Ruushka ay ridayaan gantaallada hawada sare.

Waxaa sidoo kale la soo sheegay weeraro badan oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Ciidamada difaaca Cirka ee Ukraine,ayaa sheegay in dalka oo dhan uu halis ugu jiro in lagusoo weeraro hubka ballistic-ga.

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka,ayaa lagu sheegay in Hubka riddada dheer ee cirka iyo badda ku saleysan loo adeegsaday duqeynta xarumaha korontada iyo kaabayaasha la xiriira ee guud ahaanba Ukraine, oo ay ku jiraan Kyiv, Lviv iyo Gobollada Kharkiv iyo Odesa.

Ugu yaraan Lix Qof,ayaa ku dhintay habeenimadii Axadda ilaa Isniinta Tobaneeyo kalena waa ay ku dhaawacmeen iyadoo in ka badan kala bar gobollada Ukraine lagu weeraray Diyaarado iyo Gantaallo.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading