Ruushka xiray Dhuun muhiim ah oo Gaaska Yurub ugudbisa

Ruushka ayaa xidhay dhuun gaasta dabiiciga ah geysa dalka Jarmalka oo lagu magcaabo Nord Stream 1, isagoo ku sababeeyey xidhitaanka dhuuntan inay la xidhiidho dayartir lagama maarmaan ah oo lagu samaynayo marawaxadaha dhuunta. Ruushka ayaa sheegay in dayactirku uu qaadanayo muddo saddex maalmood ah. Hase ahaatee Maraykanka iyo Yurub ayaa ka horyimi doodda Ruushka, iyaga oo ku eedeeyey madaxweynaha Ruushku inuu “hubaynayo” tamarta.

Sannadkii hore Ruushku wuxuu dalalka Yurub u iibgeeyey 40% gaasta dabiiciga ah ee ay u baahan yihiin. Hase ahaatee toddobaadyadii u dambeeyey, Ruushku wuxuu dhimay gaasta uu sii mariyo dhuunta Nord Stream 1 taas oo haatan gaadhsiisa dalalka Yurub illaa 20% gaastii mari jirtay. Ruushka ayaa isagu ku doodaya in xidhitaankan ugu dambeeyey uu la xidhiidho cunaqabataynada ay wadamada reer galbeedku saareen dhaqaalaha dalkiisa.

Ra’iisal wasaaraha Jarmalka Markus Soeder oo booqasho ku tegey magaalada Lubin oo ah halka ay dalkiisa ka soo gasho dhuunta gaasta qaadda ee ka timaadda dalka Ruushka, ayaa sheegay in dalkiisu uu ku sugan yahay xaalad adag.

Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in madaxweyne Putin uu u haysto joojinta gaasta dhex marta dhuumahan gaastu inay tahay mid iska ciyaar ciyaar ah, isagoo sheegay in xaaladda ay haatan ku jiraan aanay ahayn xilligii ay jawaabta ka bixin lahaayeen ciyaartan.

Qiimaha gaasta ee dalalka Yurub ayaa haatan toban laabmay, marka loo eego qiimihii ay ahaan jireen tobankii sano ee la soo dhaafay.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading