RW Abiy Oo wajahaya cadaadiskii ugu weynaa Oo Maraykanka uga imaanaya

Abiy,waxaa si adag ula diriray Maraykanka,waana ka muuqataa Wajigiisa jabka kasoo gaaray dagaalkaas.

Maraykanku,wuxuu ku amray Turkiga in uu kala baxo Dhaqaalihiisa Itoobiya,waxayna Turkidu kala baxday ilaa iyo hada $2.5 Bilyan,waana midii sababtay in Hal mar Lacagta Birka ay Dhulka gasho oo ay gaarto $1=140-Bir.

Kulankii Asmara ee Somaliya,Masar iyo Eretereya,waxaa amray in halkaa layskugu tago Maraykanka,kaasoo ku ahaa Abiy jab Siyaasadeed oo weyn.

Sidoo kale Maraykanka,wuxuu Imaaraadka ku amray in uu joojiyo Diyaaradaha Drons-ka ee uu siiyo Maamulka Abiy,isla markaana kuwa hada ka yaala Itoobiya uu kala soo baxo Batariyada,waana fulay amarkaas.

Waxaa kaloo IMF oo Abiy uraadsaday Dayn loo sheegay in ay la kulmaan balse aysan siin wax Lacag ah.

Maraykanka,waxa uu kaloo Abiy ka saarayaa gudaha Somaliya oo Janaayo 2025 hadii la gaaro Askariga Itoobiyaanka ah ee ku jira gudaha Somaliya,waxa uu noqonayaa Xadgudub caalamiya oo qaraar laga qaadan karo.

Reer Galbeedku kama kaftamaan Qowmiyada Amxaarada,waana halka ugu daran ee Abiy laga raacay oo uu udhiman doono.

Somali Galbeed Maanta fursad Siyaasadeed,ayay haysataa oo ay wax ku goosan karto,taasoo R.Galbeedku raali ka yihiin.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading