RW Abiye oo war kooban kasoo saaray khilaafka Somali State

Inkastoo aan si rasmi ah loo shaacinin qodobadii ay mas’uuliyiinta ka wada hadleen, haddana waxaa la rumeysan yahay in ujeedda kulankooda ay ku saabsaneyd khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Madaxweyne Mustafe Cagjar iyo guddoomiye Axmed Shide.

Markii uu shirka soo idlaaday ayaa macluumaad aan faahfaahin buuxda ahayn lasoo dhigay baraha xiriirka bulshada.

Bogga uu xafiiska ra’iisul wasaaraha Itoobiya ku leeyahay facebook-ga ayaa lagu daabacay sawirro muujinaya saddexda mas’uul oo is garab taagan isla markaana dhoolla caddeynaya.

Qoraal lasoo raaciyay sawirrada ayaa lagu yiri; “Waa in laga shaqeeyo nabadgalyada iyo horumarka”..

Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa safar dalka dibaddiisa ah ku maqnaa intii uu maalmihii lasoo dhaafay cirka isku shareerayay khilaaf u dhaxeeya madaxweynaha iyo guddoomiyaha xisbiga dowlad Deegaanka.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading