S/Guuto Muumin oo Taliye Boolis u magacaabay Boosaaso

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland S/Guuto Muumin Cabdi Shire ayaa Taliye cusub u magacaabay saldhigga dhexe ee degmada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari.

Wareegto kasoo baxday xafiiska S/Guuto Muumin Cabdi ayaa Gaashaanle Maxamuud Qasaali Muuse, loogu magacaabay Taliyaha saldhigga dhexe ee Boosaaso.

Hoos ka akhriso Wareegtada kasoo baxay Taliyaha Booliiska Puntland.

Taliyaha Ciidanka Booliiska DPL Sarreeye Guuto Mumin Abdi Shire
Markuu arkay Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo aragnimadiisa Ciidanimo danta shaqada awgeed,

Waxaa G/le Maxamuud Qasaali Muuse loo magacaabay Taliyaha Saldhiga dhexe ee Boosaaso Gobolka Bari.

~ DHAMMAAD ~

IDILNEWS


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading