Saakay iyo hawlgalka Sifaynta argagixisada Ee Puntland

Ciidamada Puntland Saakay,wax weerar ah ma qaadin,waxay Nadiifinayaan 20-kii KM ee ay Labadii Maalmood lasoo dhaafay ka cayrsheen argagixisada.

Shanlaynta,waa qorshe Geed walba iyo God walba lagu dul istaagayo oo laga raadinayo argagixiso ku dhuumatay oo go’doon ah.

Waa hab Ciidanka PL ay 1-kii km ee ay ka cayrshaan argagixisada si isku wareeg ah unadiifiyaan oo usugaan.

Maalmaha soo socda,ayuu dhici doonaa weerarkii Dhul gariirka ee argagixisada lagu soo afjari lahaa haduu rabi idmo.

Ciidanka Puntland Niyadoodu aad ayay usaraysaa,waa faraxsan yihiin,waxayna ku qanacsan yihiin in ay Naftooda uharaan Dhulkooda iyo Dadkooda.

Dowladu,waxay siwanaagsan udaryeeshay Dhaawacooda,waxay ilaalisay Saadkooda iyo Agab walba oo ay ubaahan yihiin.

Shacabka PL Gudo iyo Dibad,waxa uu la garab istaagay Hiil iyo Hoo.

PL,waxay samaysay Taariikh.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading