Saamayn intee le’eg buu ku leeyahay sirdoonka Sudan arimaha Somaliya?

Madaxa Sirdoonka Suudaan: 5 Sano Ayuu Jagadan Hayey, Waxaana Loo Xiray Afgambinta Al-bashiir.

Agaasimha Guud ee Sirdoonka Suudaan Saalix Cabdalla Maxamed(Qoosh) ayaa booqasho waxaa uu ku yimid marsii horaysay Magaalada Muqdisho waxaana soo dhoweeyay dhiggiisa xiligaa isna aha, agaasimha Nisa Xuseen Cusmaan Xouseen.

Haddaba, Waa Kuma Saalax Qoosh:

Saalax Cabdalla Maxamed(Qoosh) waa nin galaangal badan, 5 sano ayuu shaqadan hayey, waxaa uu la-taliye xagga amniga u noqday madaxweyne Cumar Al-Bashir ka hor inta aan loo xirin inuu afgambi rabay, 2013-kii ayuu Al-bashiir cafiyey, kadibna waxaa mar kale laga dhigay agaasimaha sirdoonka.

Waxaa uu ka mid ahaa Islaamiyiinta Suudaan, waxuuna ka qalin-jabiyey Jaamacadda Khartoum kana bartay Ingineeriya, waxaa uu mas’uulka ka ahaa sirdoonka Ikhwaanka muddo 20 sano ah.

Sirdoonka waxaa uu ka qabtay jagooyin badan sida ku-xigeenka agaasimaha howl-gallada, shaqada sirdoonka waxaa uu ka tagay 1996 kadib markii isaga iyo saraakiil kale lagu tuhmay inay shirqool ku dilli rabeen Xusni Mubarak. Waxaa uu sidoo kale noqday maamulaha warshad hubka sameysa iyo Xildhibaan ka tirsan golaha shacabka.


Markii ay is khilaafeen Cumar Al-bashiir iyo Xasan Al-turaabi, oo ninka dambe sameystay xisbiga “Mu’tamar ee Shacbiga” waxaa uu aaday dhanka Al-bashiir, isaga oo taageerayaasha Turaabi ka nadiifiyey Sirdoonka Suudaan.

Waxyaabaha lagula yaabo waxaa ka mid ah inuu dhowr jeer xiray macalinkiisa Xasan Al-Turaabi kuna eedeeyay afgambis, waxaa kale uu la shaqeeyay sirdoonka Markeynka xilli ay doon-doonayeen madaxweyinihiisa Al-bashiir.

Hadaba waxaan u socdaa ina Somaliya dadka Qasaya ee islaamiyinta ah inta Badan inay Sudan wax ku soo bartaan waxaana la xidhiidhanayaa Awooda sirdoon ee Dalkaasi ku leeyahay Qaska Dalkeena.

Waxaan xasuustaa xili ay Deeganka Somalida ee Itobiya ayay Xadhig ku bilawday Dhalinyarada Jaamacadaha Suudan wax ku soo bartay Xiligaa kadib ayaan Ogaada u jeedada.

Majiro Dal inoo Nasteexa midkastaa ujeedo ayuu inaga leeyahay Somaliyeey.

Mubarak Ashkir.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading