Saamaynta Masar Biyo xireenada Itoobiya Ee Webiga Nile

Khabiir dhanka biyaha ah oo u dhashay dalka Masar, Diaa El-Qousy ayaa tilmaamay in laga yaabo in arrintu ay soo baxdo sanadaha soo socda in biyaha laga iibiyo Masar iyo Suudaan.

Saxafiga u dhashay dalka Itoobiya ee Zahed Zidane oo arrintan ka hadlaya ayaa sheegay in dhinaca Itoobiya aanay weli wax dhibaato ah ugu geysan Masar iyo Suudaan dhismaha biyo-xireenka, maaddaama dhinaca Itoobiya ay ballan-qaadeen sannado badan oo buuxinta biyo-xireenka ah, kaas oo hadda ka badan toddoba sannadood.

Zidane ayaa BBC-da u sheegay in Itoobiya ay tixgelisay walaaca Suudaan, isla markaana ay si joogto ah u cusbooneysiineyso horumarka dhanka buuxinta, keydinta iyo furitaanka albaabada, si loogu diyaariyo biyo xireenka Roseires ee Suudaan, oo qiyaastii 40 km u jira biyo xireenka wayn ee Itoobiya.

Lix waddan oo uu ugu dambeeyay Suudaanta Koofureed ayaa ansixiyay heshiiska Entebbe sanadkan, kaasoo waddada u xaaraya in dhaqan galkiisu uu bilowdo kadib 14 sano oo uu fadhiid ahaa.

Heshiiska Entebbe waxa uu soo rogayaa hannaan sharci oo cusub oo lagu xallinayo khilaafaadka, dib-u-qaybinta biyaha, iyo u oggolaanaya waddamada soo koraya in ay dhistaan ​​mashruucyo biyo ah iyada oo aan oggolaansho laga helin waddamada hoose.

Masar iyo Sudaan midkoodna ma saxiixin heshiiska Entebbe, mana aqoonsana.

Saddexda dal ee Itoobiya, Masar iyo Suudaan, ayaa dhawr wareeg oo wada-xaajood ah oo uu garwadeen ka ahaa Midowga Afrika yeeshay, balse aan wax heshiis ah laga gaadhin.

Toddobadii sano ee la soo dhaafay ee buuxinta biyo xireenka Grand Ethiopian Renaissance Dam, Itoobiya waxa ay awooday in ay ku shubto ilaa 62.5 bilyan cubic mitir oo biyo ah gudaha harada biyo xireenka, waxayna sii waddaa in ay sii buusxiso si ay u gaarto heerka ugu sareeya ee buuxinta oo ah 74 bilyan cubic mitir.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading