Saamaynta ay ku yeelatay Xisbullaah laynta Madaxdoodii

Xisbullah ayaa isu diyaarinaysa dagaal muddo dheer qaata Koonfurta dalka Lubnaan kaddib markii Israa’iil ay leysay hoggaankii sare ee ururka.

Xisbullah,ayaa yeelatay hoggaan cusub oo Milatari si uu u sii wado Gantaalada ay ku ridayaan gudaha Israa’iil iyo dagaalka dhulka ee ka socda Koonfurta Lubnaan, sida labo ilo wareed oo arintan aad ula socda ay u sheegeen wakaaladda warrarka ee Reuters.

Ururka Xisbullah,ayaa dib u dhac weyni ku yimid Sedexdii Todobaad ee la soo dhaafay, markaas oo inta badan hoggaan keedii lagu dilay duqeyn Israa’iil ay ka geystay Koonfurta Caasimada Bayruut,waxana ugu weynaa hoggaanka la khaarajiyay Xasan Nasrullah.

Kooxdan Iran ay taageerto,ayaa la rumeysan yahay in ay wali haysato kayd hub oo ballaaran oo ay ku jiraan gantaallada riddada dheer ee wax burburiya kuwaas oo aanay wali isticmaalin, sida ay sheegeen illaa afar illo wareed oo si dhaw ula socda hawllaha ururka. Israa’iil ayaa duqeyn ba’an ku haysay keydadka hubka ee ururka.

Hoggaanka Ururka,ayaa isku dhexyaacay maalmihii ugu horreysay ee dilka Nasrullah illaa markii dambe ay sameeyeen qol laga hago hawgallada ururka 72 saaacadood kaddib dilkii Madaxda.

Xigasho:-BBC


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading