Sababaha Fashilaadda Ganacsiyada
Maxaa Sababa Fashilaadda Ganacsiyada?
Mid ka mid ah waxyaabaha sideedaba ay adagtahay in la garto waa weyddiinta ah: Maxaa sababa fashilaadda ganacsiyada? Su’aal weeye maskaxda daalinaysa. Haddii maammulayaasha ganacsiyadu ka warqabi lahaayeen in khalad ay sameeyaan, waxaa laga yaabi lahaa dhibaatada in xal ay u raadin lahaayeen. Badi maammulayaashu, xitaa haddii ay dhibaato jirto waa dafiraan, ama waxay ku andacoodaan in ayan ka warqabinnin. Waxay ahayd xogogaal in ay ganacsiyadooda u noqdaan. Haddii ayan maammulayaasha ahayn, waa ayo cidda xogogaalka u noqonaysa?
Macaamiisha ayaa marar badan ka xogogaalsan maammulayaasha cilladaha (weakness) ganacsiga ku jira. Kolkay fashilmaan waxay maammulayaashu eedeeyaan awoodo kale sida: bangiyada, xukuumadda, saamileyda, iwm, halkay ahayd in mas’uuliyadda fashilka iyagu qaataan.
Haa, waa jiri kartaa in mararka qaarkood maammulayaashu ayan eed lahayn, hayeeshee, inta badan maammulayaasha ayaa eedaha qaadanaya.
Sababaha Hoose Ayaa Fashilaadaha Ganacsiyada keena
Waxaa ka mid ah, ka ganacsiga badeecad la mid ah tan ay ka ganacsadaan shirkadaha waaweyn. Waayo waxay awoodaan in alaabo badan ku soo iibsadaan ama ku soo saaraan qiimo jaban, ka gadaale siiyaan qiimo jaban, sidaas suuqa uga baxaan shirkadaha yaryar iyo kuwa daciifka ah (economies of scale).
Kelitalisnimo, maammulayaasha oo xukun adag, waxay faraggeliyaan shaqaalaha, uma damqadaan shaqaalaha, iyo waxay cayriyaan shaqaalaha ugu fiican, haddii khaladyadooda loo sheego. In badan waa qirtaan khaladyadooda, hase ahaatee waxa badan inta aan cashar ka barannin oo waddooyinka khaldan ku sii socda.
Ganacsiga oo xad-dhaaf loo ballaariyo, u wareegidda suuq kale faa’iidadu yar tahay, deyntu badan tahay, iwm. Waa sababaha ugu muhiimsan, ka gadaale in ganacsiyadu fashilmaan.
Waa adagtahay in ganacsiga isha lagu hayo, haddii laga warhayn waxa socda. Nidaam hantidhawr (accounting system) ayaa ganacsiyada haga sida darawalku gaariga u hago. Haddii aanu jirin nidaam hantidhawr iyo aqoontii xisaabta, ayaa la mid ah sidii rakaab gaari saaran darawalkuna indha la’yahay.
Inta badan maammulayaashu ma tixgeliyaan in nidaam hantidhawr ganacsigu yeesho oo ku dhisan aqoon iyo cilmi, si halka wax-marayaan ula socdaan (xaaladda ganacsiga) tusaale; ma faa’iido ayaa la sameeyey, mise khasaare? Weyddiintan warcelinteeda goorta la helo baa tallaabo macquul ah la qaado oo ku aaddan natiijooyinka arrimahaas, iyadoo caqliga iyo lataliyayaal la kaashanayo “war la helyaa talo la hel“ (maahmaahda Soomaalida sheegeyso).
Dhaqaalaha oo dabeecaddiisu tahay in uu leeyahay marxalado kala dudduwan oo xilli waa koboc, xilli waa hoos-u-dhac, waa suurtaggal in dhacdooyin fool xun dhacaan sida, shaqaale iyo macaamiillo muhim ah in ay tagaan, in shirkado cusub suuqa ku soo biiraan, dacwad ganacsiga ka dhan ah soo baxdo, isku soo duub oo dhammaan arrimahan ayaa culays ku noqda dakhliga ganacsiyada lahaanshaha gaar ahaaneed iyo tan qarameedba.
Waddanka Isutagga Imaaraadka Carabta iyo waddammada kale ee khaliijka ma lahan mashaariic waaweyn oo horumarineed, sida waagii hore ahayd. Waxaa hoos-u-dhacay sicirka saliidda ay dhoofiyaan iyo dakhligii ka soo geli jiray. Waxaa intaa dheer culays dhaqaale oo imminka ka soo wajahay xagga hawlgallada ciidan ee dibedda.
Wax-soo-saarka saliidda waxay dhantahay boqolkiiba konton (50%), wadar wax-soo-saarka guud ee waddammada khaliijka. Alaabta ay waddammadaas dibedda u dhoofiyaan waxay dhantahay boqolkiiba sagaashan (90%).
Waddammada sida ba’an dakhliga saliidda ugu tiirsan waxa kow ka ah dalka Kuweeyd. Kaalinta labaad waxaa gelaya boqortooyada Sacuudiga, sadexaad Liibiya, in kastoo dhoofinta saliida Liibiya joogsatay, xasaradaha jira awgeed, kaddib dilkii naxdinta lahaa ee hoggaamiyihii caanka ahaa, Eebbe haw naxariistee, Gaashaanle Sare Mucammar Qaddaafi.
Waa dhif iyo naadir in maammulayaashu ay qirtaan kartidooda maammul in ay hooseeyso. Haseyeeshee, xaqiiqda waxa weeye in ayan suurtaggal ahayn in dhammaantood kartidooda maammul wanaagsan tahay. Wanaagga ay goobtaada ganacsi kaga duwan tahay goobaha kale oo laysu wada tilmaamo (referral) iyo qorshe suuq-geeyn oo fiican waxay gundhig u noqdaan guusha ganacsigaaga ama guud ahaan ganacsiyada.
Kharash badan oo baxaya, tusaale, sida kiro qaali ah, shaqaale mushahaar badan iyo agabka wax-soo-saarka oo qaali ah, waxay curyaamiyaan ganacsiyada. Haddaba, ganacsigii ku dadaala in uu mar walba kharashyada yareeyo ayaa haysta fursadda guusha. Tusaale, haddii mulkiilaha ganacsi cusubi soo gato gaari nooca raaxada ah, waxaa xikmad ah in kharashka gaariga ku soo iibsanayo, taa beddelkeed uu geliyo horumarinta ganacsigiisa. Waxa habboon in shaqaale badan la qaadannin, ugu yaraan marxaladda koowaad ee ganacsiyadu cusub yihiin, maxaa yeeley wali ma jiro dakhli badan oo kharashyada baxaya dabooli kara.
Maammul isku dhexyaacsan, sida jiritaan la’aanta meel diiradda la saarto, aragti fog, qorsheeyn iyo wax allaale iyo wixii lagu tilmaami karo maammul wanaag (good management), haddii ayan jirin arrimahaas musiibo ayaa dhacaysa.
Maqnaanshaha qorshe dhaxalgal ah, arrimaha sharciddarrada ah sida musuqmaasuqa, beddelidda shaqaalaha kartida iyo aqoonta leh, la keeno kuwo ka indha xidhan xirfadda kolkaa looga baahan yahay, khilaafka ku saleeysan looltanka awoodda ama waxa afka qalaad loo yaqaan “power struggle”, ayaa ganacsiyada gaarka loo leeyahay, ururrada kala dudduwan iyo hay’adaha dawladda, iwm, u horseeda fashil iyo dib-u-dhac.
Isbeddelka sayladaha,waxa isbeddel ku dhacaa badeecado badan, taa oo sababtay horumarka farsamada tiknoloojiyada casriga ah ee la gaaray tusaale, telefishannada midabka lahayn imminka lama iibsado, waxa la gataa kuwa dambe ee midabka leh. Telefoonnada loo yaqaan “ismaarfoon” waxay noqdeen aalad ku shaqeeysa koronto tan ugu iibsiga badan taariikhda.
Shirkado aan sameeyn telefoonnada ismaarfoonka ah ayaa noqday kuwa ugu faa’iido sameeysiga badan adduunka sida shirkada iswiidishka ah “finger print cards”, waxay soo saartaa mashiinka faraha sawira. Shirkaddan ayaa sidoo kale soo saarta iskaanka telefoonnada ismaarfoonka.
Waxaa isbeddela baahida iyo dalabyada dadka macaamiisha ah. Waxaa suuqa ku soo biira shirkado waaweyn oo haysta awood ballaaran oo maaliyaad ah iyo kharash badan oo ay geliyaan xayeeysiiskooda “wixii cusub caalamka ayaa jecel” (maah-maah Soomaaliyeed).
Gebagebadii, sida nolosha caadiga ahi dhacda, haddii saaxiibbadaada ama qaraabadaada aad dembi ka gasho waa ku cafin karaan, balse ganacsigu wax ma cafiyo, wax kasta waxay ku xiranyihiin shayga badeecadda ah ee aad iibgeeyneeyso. Haddii dadka macaamiisha ah aadan ka dhaadhicin in shaygaas faa’iido iyo dan ugu jirto oo aysan jeclaan, kolkaa shaqaaluhu waa joojinayaan in ay shaqeeyaan iyo sidoo kale dadka macaamiisha ahi iyana waa joojinayaan in wax iibsadaan – taa ayaa sababta fashilaadda ganacsiyada.
Yaasiin Cabdullaahi Faash
Kassel, Germany, 26.06.2017
yaasiinfaash@outlook.com
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.