Sacuudiga oo Balaayiin Dollar Ku maalgashanaya Dekedda Casab Ee Eritrea

By:-Cabdirisaaq Jubba.

Sacuudi Carabiya ayaa Balaayiin Doollar Ku maalgashanaysa Dekedda Casab Ee dalka Eritrea,taasoo dhacda Badda Cas .

Warar soo baxaya,ayaa sheegaya in Sacuudi Carabiya ay go’aansatay inay balaayiin dollar ku maalgeliso dekedda Casab ,

Tallaabadan ayaa la socota Hiigsiga 2030-ka Dhaxal-sugaha Boqortooyada Maxamed Bin Salmaan, kaas oo ujeedkiisu yahay in la ballaariyo saameynta dhaqaale iyo istaraatiijiyadeed ee Sacuudiga uu ku leeyahay Afrika iyo gobolka Badda Cas.

Lacagta ugu badan ee Maalgashiga sucuudigu,Wuxuu ku baxayaa in la casriyeeyo oo la balaariyo kaabayaasha dhaqaalaha ee dekeda Cassab.

Sucuudiga dantiisu waa ay dhaafsiisan tahay kobcinta dhaqaalaha,Sidookale waa tallaabo istiraatijiyadeed juquraafiyeed oo dib u qeexi karta dhaq-dhaqaaqa awoodda Geeska Afrika oo ay caqabad ku noqon karto awoodda quwadaha shisheeye sida Shiinaha, Imaaraadka iyo Turkiga.

Waxaa Talaabada Sucuudiga ka xanaaqay madaxda hogaamisa Imaaraatka carabta,Sababo aan la qeexin !


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading