Sacuudiga oo ka guuraya Ciqaabaha soo jireenka ah

In this Nov. 11, 2015, photo, Saudi Arabian Deputy Crown Prince Mohammed bin Salman attends a summit of Arab and Latin American leaders in Riyadh, Saudi Arabia. Saudi Arabia said Tuesday, Dec. 15, that 34 nations have agreed to form a new "Islamic military alliance" to fight terrorism with a joint operations center based in the kingdom's capital, Riyadh. Mohammed bin Salman said the new Islamic military coalition will develop mechanisms for working with other countries and international bodies to support counterterrorism efforts. (AP Photo/Hasan Jamali)

Sacuudi Carabiya ayaa meesha ka saareyso ciqaabta karbaashka sida laga soo xigtay dukumiinti sharci ah oo ay heleen warbaajinta.

Maxkamadda ugu sarreyso dalkaasi boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa sheegeysa in karbaashka lagu baddali doono xabsi ama ganaax.

Dukumiintiga ayaa waxaa ku qoran in tallaabadani ay ka mid tahay isbadallada xuquuda aadanaha ee ay keeneen Boqor Salmaan iyo wiilkiisa.

Sacuudi Carabiya ayaa lagu eedeeyay xiridda dadka ka soo horjeeda iyo dilkii loo geystay weriye Jamal Khashoggi.

Markii ugu dambeeysay ee ay bogagga hore ee warbaahinta qabsato ciqaabta karbaashka ee Sacuudi Carabiya, waxay ahayd sannadkii 2015-kii markii la karbaashay Raif Badawi oo wax ku qora baraha bulshada kaddib markii lagu soo eedeeyay inuu aflagaadeeyay Islaamlka.

Waxay ahayd in toddobaadkasta lagu dhufto 1,000 karbaash balse waxaa badbaadiyay cambaareynta dunida iyo wararka sheegayay inuu dhimasho qarka u saaran yahay.

Tifaftiraha arrimaha Carabta ee BBC-da Sebastian Usher ayaa sheegeya in tallaabadaasi aanay sawir wanaagsan u ka bixin Sacuudi Carabiya. Balse haatan waxay u muuqata in sharcigaasi gabi-ahaanba meesha laga saaray.

Hase yeeshee waxaa jira mowjado xarig ah oo lagula kacaya dadka ka soo horjeeda boqortooyada Sacuudi Carabiya. Galinkii hore ee Jimcaha ololeeyihii xuquuqda aadana ee ugu caansanaa Sacuudiga ayaa xabsiga gudihii ku geeriyooday kaddib markii uu ku dhuftay xanuunka qofka dhinaca qalajiya ee faaligga loo yaqaano.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading