Sacuudiga oo Safiir umagacaabay Siiriya mudo dheer kadib

In this Nov. 11, 2015, photo, Saudi Arabian Deputy Crown Prince Mohammed bin Salman attends a summit of Arab and Latin American leaders in Riyadh, Saudi Arabia. Saudi Arabia said Tuesday, Dec. 15, that 34 nations have agreed to form a new "Islamic military alliance" to fight terrorism with a joint operations center based in the kingdom's capital, Riyadh. Mohammed bin Salman said the new Islamic military coalition will develop mechanisms for working with other countries and international bodies to support counterterrorism efforts. (AP Photo/Hasan Jamali)

Sucuudiga,ayaa Axaddii ku dhawaaqay in ay magcaabeen Danjirihii ugu horreeyey ee ay u dirayaan dalka Siiriya, ka dib markii ay 12 sano ka hor xidhiidhka u jareen Dalka Siiriya.

Tallaabadan,ayaa noqonaysa mid muujinaysa xidhiidhka soo hagaagaya ee labada dhinac, tan iyo wixii ka dambeeyey markii Siiriya dib loogu ogolaaday ka qaybgalka shirarka ururka Jaamacadda Carabta.

Faisal al-Mujfel, ayaa noqonaya danjirhii ugu horreeyey ee ka socda dalka Sucuudiga muddo 12 sannadood ah, sida lagu baahiyey wakaaladda wararka ee dalka Sucuudiga.

Sannadkii hore ayaa dawladda Siiriya dib loogu ogolaaday ururka Jaamacadda carabta ka dib markii xubinimada dalkaas la hakiyey sannadkii 2011, iyada oo laga falcelinayo, gacantii adkayd ee uu maamulka Siiriya kula macaamilay debedbaxayaashii ka soo horjeedsaday xukunkiisa. Sannadkii xigay ee 2012, ayay ahayd markii labada dal ay kala qaateen Safaaradaha.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading