Ruushka waxa uu leeyahay mid ka mid ah militeriga ugu awoodda badan caalamka, balse arrintaas kama muuqato dagaalka uu ku qaaday waddanka Ukraine. Khubaro badan oo falanqeeya arrimaha militeriga oo ku sugan Galbeedka waxay la yaabeen sida uu yahay dagaalka Ruushka ilaa hadda, mid ka mid ahna wuxuuba ku tilmaamay “ceeb”.
Waxay u muuqataa in militeriga Ruushka ay horay u dhaqaaqi la’ yihiin, haddana waxaaba su’aalo la iska weydiinayaa in jabka soo gaadhay ay dib uga soo kaban karaan. Isbuucan, sarkaal sare oo ka tirsan militeriga Nato ayaa BBC-da ku yidhi: “Ruushku way caddahay in aysan ujeeddadooda gaadhin mana gaadhi doonaan”.
Haddaba maxaa khaldamay? Waxaan la hadalnay saraakiil sar sare oo ka tirsan khubarada militeriga ee Reer Galbeedka, si ay noogu sharraxaan khalaadka ay sameeyeen Ruushka.
Male lagu khaldamay
Khaladkii ugu horreeyay ee Ruushka waxa uu ahaa in ay dhalasadeen awoodda iyo iskacaabinta ay tabarta u leeyihiin ciidamada Ukraine ee iyaga ka yar, tiro ahaan iyo tayo ahaan labadaba.
Ruushka militerigiisa waxaa sanad kasta ku baxda miisaaniyad lacageed oo ka badan $60bn, halka Ukraine militerigeeda ay ku baxdo miisaaniyad dhan $4bn oo keliya.
Sidaasoo ay tahayna, Ruushka iyo dalal kale oo badanba waxaad mooddaa in ay ka badbadiyeen inta ay gaarsiisan tahay awoodda militeri ee Mosow.
Madaxweyne Putin waxa uu jecel yahay in uu casriyeeyo militerigiisa, uuna buunbuuniyo qalabkooda, waxaana laga yaabaa in isaga qudhiisa uu maleynayay wax aan xaqiiq ahayn.
Sarkaal sare oo ka tirsan militeriga Britain ayaa sheegay in lacagta ugu badan ee loo qoondeeyo maalgelinta militeriga Ruushka ay tahay mid xoogga lagu saaro horumarinta hubka nuclear-ka iyo tijaabooyinkiisa, taasoo ay ka mid tahay sameynta gantaallada riddada dheer.
Ruushka waxaa lagu ogaa inuu yahay waddanka sameystay taangiga ugu casrisan adduunka – oo la yiraahdo T-14 Armata.
Balse inkastoo taangiyadaas lagu arkay dhoollatuskii Moscow ee lagu xusayay Maalintii Guusha ee Dagaalkii Labaad ee Adduunka, hadda kama muuqdaan goobaha dagaalka.
Inta badan waxa ay Ruushka lasoo shir tageen waa Taangiyo hore oo noocoodu yahay T-72, gawaarida gaashaaman ee askarta qaada, madaafiicda artillery-ga iyo gantaallo.
Markii uu dagaalka billaabanayay, Ruushka waxa uu si cad ugu gacan sarreeyay dhinaca hawada, iyagoo isticmaalaya diyaaradaha dagaalka ayayna aad ugu soo dhawaadeen xadka, maadaama ay ka xoog bateen awoodda ciidamada cirka ee Ukraine.
Inta badan dadka falanqeeya arrimaha militeriga waxay u maleynayeen in ciidanka xoogga ku galay Ukraine ay si deg deg ah uga faa’iideysan doonaan ku gacan sarreyntooda dhinaca hawada, balse taas ma dhicin.
Difaaca hawada Ukraine ayaa wali iska caabin xoog leh sameynaya, waxayna xaddidayaan isku dayga ay Ruushka ku doonayaan in ay ka tan bataan.
Moscow waxa ay sidoo kale u maleyneysay in ciidamadeeda khaaska ah ay door muhiim ah ciyaari doonaan, si deg deg ahna gacan uga geysan doonaan guul usoo hoyata.
Sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka Reer Galbeedka ayaa BBC-da u sheegay in Ruushka uu u maleynayay inay ku filan yihiin ciidamo tiro yar, sida kuutooyinka loo yaqaanno Spetsnatz iyo VDV, “si ay durba cagta u mariyaan difaaca liita ee ka hor imaan doona, halkaasna ay arrintu ku egtahay”.
Hase yeeshee maalmihii ugu horreeyay, diyaaradahooda qumaatiga u kaca ee dagaalka weerarkii ay ku qaadeen garoonka diyaaradaha ee Hostomel, oo ku yaalla duleedka Kyiv, waa laga caabiyay, waxaana Ruushka loo diiday in ay sameystaan buundo dhanka cirka ah oo ay kusoo gudbiyaan ciidamadooda, qalabka iyo adeegyada kaleba.
Taas baddalkeeda, Ruushku waxa uu ku khasbanaaday in uu saanadda militeri iyo raashinkaba kusoo safriyo dhinaca dhulka. Taasi waxay abuurtay in gawaarida ay saxmad galaan si fiicanna loo arko, markaasna ay ciidamada Ukraine u sahlanaato in ay weeraraan.
Qaar ka mid ah gawaarida cul culus ayaa waddooyinka aan dhisneyn maray, kaddibna waxay ku hallaabeen dhiiqada, halkaasna waxaa ka muuqatay in ciidankii “ay jabeen”.
Dhanka kale, kolonyadii Ruushka ee aadka u badneyd ee ka timid dhinaca waqooyiga, oo ay qabteen sawirrada satellite-yada, waxay wali awoodi la’ yihiin in ay galaan magaalada Kyiv. Xoogagga ugu badan waxay Ukraine kasoo galeen dhinaca koonfurta, halkaasoo ay kasoo isticmaaleen waddooyinka tareennada.
Wasiirka Gaashaandhigga ee UK, Ben Wallace, ayaa BBC-da u sheegay in ciidamada Madaxweyne Putin “ay ka luntay jihadii ay ku socdeen”.
“Way xanniban yihiin si tartiib ahna way u socdaan balse khasaare weyn ayaa soo gaaraya.”
Guul darrada iyo Niyad Jabka
Ruuska waxa uu dagaalkan u diyaariyay ilaa 190,000 oo askari, intooda badanna horay ayaaba loo soo galiyay goobaha dagaalka.
Laakiin ilaa hadda waxay waayeen 10% ka mid ah awooddaas. Ma jiraan tirooyin sax ah oo xaqiijinaya inta ka dhimatay ciidamada Ruushka iyo kuwa Ukraine.
Ukraine waxay sheegtay in ay Ruushka ka dishay 14,000 oo askari, inkastoo Mareykanku ay qiyaaseen in tiradu ay tahay intaas barkeeda.
Saraakiisha Reer Galbeedka waxay sheegeen in ay jiraan caddeymo muujinaya in ay niyad ahaan waxyeello soo gaartay dagaalyahannada Ruushka, mid ayaana sheegay in ay “aad iyo aad u niyad jabeen”. Mid kalena waxa uu sheegay in Cuudanka Ruushka ay dareemayaan “qaboow, daal iyo gaajo”, maadaama markii horeba ay isbuucyo ku sugnaayeen Belarus iyo Ruushka iyagoo sugayay in amar lagu siiyo si ay dagaalka u billaabaan.
Ruushka ayaa goor horeba muujiyay in uu ku khasbanaaday raadinta ciidamo dheeraad ah oo uu ku kabo tirada ka luntay, tallaabooyinka la qaadayna waxaa ka mid ah in dagaalka loo soo diray askarta keydka ah ee ku sugnaa meelo fog fog, sida bariga waddankaas iyo dalka Armenia. saraakiisha Reer Galbeedku waxay aaminsan yihiin in “ay aad ugu badan tahay” in ciidamo ajaanib ah oo ka yimid Suuriya ay dhawaan gaaraan goobaha dagaalka.
Waxaa kale oo jira askar calooshood u shaqeystayaal ah oo ka tirsan kooxda qarsoodiga ah ee Wagner.
Mas’uul sare oo ka tirsan saraakiisha militeriga Nato ayaa sheegay in tani ay astaan u tahay “guul darro”.
Saanadda iyo qorsheynta
Ruushka waxa uu dhibaatooyin kala kulmay waxyaabaha aasaasiga ah. Waxaa jirta maahmaah hore oo militeri oo oraneysa, “dadka billowga ah waxay ka hadlaan xeelado, marka ay kuwa khubarada ah ka fikirayaan qorsheyaal”.
Waxaa caddeymo loo hayaa in Ruushku aysan arrintaas ka fiirsanin. Gawaarida gaashaaman ee kolonyada ah waxaa ka go’an shidaalka, cuntada iyo rasaasta. Gawaari ayaa dhexda ku jabay oo laga tagay, kaddibna waxaa meesha ka qaaday baldoosaro Ukraine laga leeyahay.
Saraakiisga Reer Galbeedka waxay sidoo kale aaminsan yihiin in Ruushka ay sidoo kale ka dhammaanayaan qaar ka mid ah rasaasta.
Ilaa hadda waxaa la riday inta u dhaxeysa 850 ilaa 900 oo ah madaafiicda meelaha fog fog gaara, oo ay ku jiraan gantaallada waaweyn, oo ay adag tahay in lagu baddalo hub kale oo aan loogu talo galin.
Khubaro Mareykan ah ayaa ka digay in Ruushka uu Shiinaha ka dalbanayo caawinaad si uu waxyaabaha ka go’ay uga helo.
Dhanka kale, waddamada Reer Galbeedka ayaa hub iyo qalab kale oo militeri ku qulqulinaya Ukraine, taasoo sare u qaadday niyadda ciidamadooda.
Mareykanka ayaa mar dhow ku dhawaaqay in uu bixinayo lacag dheeraad ah oo dhan $800m oo uu qalabka difaaca uga caawinayo Ukraine.
Saraakiisha Reer Galbeedku waxay wali ka digayaan in Madaxweyne Putin “uu sii laba jibbaaro howlgalkiisa, khasaaruhuna ayy bato”.
Waxay sheegayaan in uu wali heysto awood ciidan iyo qalab ku filan si uu u duqeeyo magaalooyinka Ukraine.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.