Safaarada Shiinaha ee Somaliya,ayaa si isdaba joog ah uga jawaab celisay booqashada Wasiirka Arimaha dibada ee maamulka Gobolada Waqooyi Galbeed Somaliya lana magacbaxay Jamhuuriyada Somaliland uu ku tagay Taiwan.

Taiwan waa dalka 22-aad ee dhaqaalaha iyo horumarka caalamka hogaamiya,isla markaana lagu amaano maamul wanaag,inkastoo uusan haysan aqoonsi rasmi ah oo heer Qaran ah.
Balse Shiinaha,ayaa Taiwan u arka qayb ka mid ah dalkiisa.

Waxaase la yaab noqotay in Shiinaha oo ka mid ah 5-ta Wadan ee awooda Qayaxan ku leh Umadaha midoobey uu sidaa u dhibsado ugana falceliyo booqasho Taiwan uu ku tagay Wasiir Maamul Goboleed Somaliya ka tirsan oo saamayntiisa la og yahay.

Maamulka Waqooyi-Galbeed Somaliya ee la magac baxay Jamhuuryada Somaliland waxuu aad u baadigoobayaa in uu helo uctiraaf Qaranimo 30-sano kadib ku dhawaaqistiisii gooni goosadka aan weli soo dhaweynta helin.
Jibril Qoobey.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.