Safaarada Sweden oo taageeraysa Booliska Puntland

Garoowe : 13, May 2024: Taliyaha Ciidanka Booliska Puntand S/Guuto Mumin Abdi Shire, ayaa maanta Xarunta Taliska booliska Puntland ku qaabilay Safiirka Dawladda Sweden ee Soomaaliya Amb. Joachim Waern.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Puntland ayaa looga hadlay sidii looga wada-shaqeyn lahaa mashaariicda horumarin Booliska oo ay iska kaashadaan labada Puntland & Sweden.

#FIIROGAARAH: Haddii aad heshid xog ku saabsan falal Amni daro ama aad arragtid wax aad ka shakisan tahay iyo wax walba oo la Xiriira dhaq-dhaqaaqa Amniga Puntland, isla markaana aad ku sugan tahay gudaha dalka.

Fadlan, La soo xiriir Ciidanka Booliska Puntland oo #Wac 999 haddii aad ka warbixinayso dembi socda ama haddii ku jirto khatar degdeg ah 24/7

– DHAMMAAD –

XAFIISKA WARFAAFINTA
CIIDANKA BOOLISKA PUNTLAND.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading