Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash,ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Danjire Aadan Xasan Aadan.

Kulanka,ayaa ahaa soo salaamid Safiirku ugu yimid M.Xigeenka oo hada ah ku simaha Madaxweynaha Puntland.

Safiirka Jabuti waxa uu ku casuman yahay Madasha maqaamka sare leh ee PDRC fadhigeeda 14-aad oo looga doodayo Doorka Jabuti ee dib udhisida Nabada iyo Dowladnimada Somaliya.

Jabuti iyo Puntland waxaa ka dhaxeeya xiriir gaar ah oo aad u xoog badan.
Jibril Qoobey.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.