Safiirka Sacuudiga u fadhiya UK oo sheegay in ay daneynayaan in la caadiyeeyo xiriirka kala dhaxeeya Israa’iil

Amiir Khalid bin Banda,ayaa sheegay in heshiisku soo dhowaa markii ay boqortooyadu hakisay wadahadaladii uu Maraykanku garwadeenka ka ahaa ka dib weeraradii dhimashada badnaa ee Xamaas ay ku qaaday Israa’iil 7-dii October.

Sacuudi Carabiya,ayaa wali aaminsan in ay xiriir la sameysato Israa’iil in kasta oo Qasa uu ka jiro khasaare baaxad leh.

Safiirka ayaa sidoo kale ka digay in ay jirto guul darro dhanka bini’aadantinimada ee Qasa, iyada oo beesha caalamku aysan ku filneyn joojinta dagaalka.

Waxa uu sidoo kale sheegay in uu jeclaan lahaa in uu arko mowqifka UK oo dhex dhexaad ka ah xaaladda sida waddamada kalana ula dhaqanto Israa’iil.

“Iska indha tirka arrinta Israa’iil waa dhibaato dhab ah,”Ayuu raaciyay.

Sacuudi Carabiya waa hogaamiyaha wadamada Carabta iyo Islaamka. Weligeed si rasmi ah uma aqoonsan Israa’iil tan iyo markii la aasaasay 1948-kii, marka in heshiis caadi ah oo xidhiidhkooda lagu hagaajinayo uu dhaco waxa uu ka dhigan yahay horumar weyn oo u soo hoyday Israa’iil.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading