Safiirka Turkiga iyo wefti uu hogaaminayo oo gaaray Puntland

Garoowe: 05 May 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya Ibrahim Mete Yagli iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay ku jiraan Masuuliyiinta Shirkadda Turkiga (TTN) ee dhistay Dekadda Garacad.

Safiirka Turkiga iyo Wafdiga la socda ayaa maanta booqday Dekadda Garacad, si ay usoo arkaan shaqada halkaasi ka socota iyo meesha uu maraya Dhismaha Dekadda oo ah mashruucii ugu weynaa ee isku tashi ee Dalka ka hirgala.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiirada Maaliyadda, Ganacsiga, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada, Lataliyeyeyaal Madaxweyne iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

 

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading