Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo iscasilay

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Stephen Schwartz ayaa iska casilay safiirnimada sababo la xiriira arrimo isaga u gaar ah.
 
Ambassador Schwartz ayaa ahaa safiirkii ugu horeeyay ee uu Mareykanka u magacaabo Soomaaliya muddo rubac qarni ah, waxaana xilka loo dhaariyay bishii June sanadki 2016-kii.
 
Safiirka Soomaaliya ee Mareykanka Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa u xaqiijiyay is casilaadda safiirka Maraykanka, isagoo sheegay in iscasilaadiisa la soo gaarsiiyay laba maalmood ka hor.
 
Safiirku waxa uu sheegay in Mr. Schwartz uu isu casilay arrimo isaga u gaar ah.

Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading