Sahminta Shidaalka Somaliya oo muujinaysa Shidaal fara badan oo ceegaaga ah Badda Somaliya.

Somaliya waxaa la sahmiyey 265 block oo badda ah laga soo bilaabo Sanadkii 1972.

1. Sanaadihii 2015/2016 waxaa sahminta (seismic survey) lagu sameeyey inta u dhaxeysa Hobyo Basin-Jubba Basin oo ka kooban 165 block.

2. ⁠Waxaa lagu sheegay ilaa iyo 30-45 Billion oo Fuusto in laga soo saari karo.

3. ⁠Daraasadda ayaa sheegtay in dhagaxyada sahanka iyo shidaal trails ay badan yihiin markasta oo dhinaca Waqooyiga loo kaco.

4. ⁠Shirkadaha Shidaalka baara sida Stat Oil, TGS, Liberty Ool, ENI, Total, TEXACO, Shell, British Petroleum ayaa sheegay in Somalia ay ku jirto waddamada qaniga ku ah Shidaalka iyo Gaaska (Hydrocarbon deposits).

5. ⁠Dhaqaalaha,ayaa lagu qiyaasay $3-5 trillion in Somalia ka heli karto tobanka (10) ee soo socota.

DG iyo DFS,ayaa waxaa ka dhex jira muran Sharci,iyadoo PL ay aqoonsigii Dowladnimo ee Dastuuriga ahaa kala laabatay DFS.

Heshiiskii Shidaalka ee ay horay ukala saxiixdeen DG iyo DFS,ayaa dhigayay in 24-Mayl,wixiii ka badan aysan hoos imaanayn DG.

Sida xogaha lagu helayo Shirkad Turkiya,ayaa aad udanaynayda in ay Ceelka koobaad ee Somaliya laga qodayo ay dilaaciso Sanadka danbe Bishiisa 1-Aad.

Balse R.Galbeedka,gaar ahaan Norway,ayaa ka caga jiidaya qorshaha Turkiga una aragta deg-deg.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading