Saldhiga Hiilweyne Ee duleedka Muqdisho Oo la weeraray

Wararka ka imaanaya magaalada Balcad,ayaa sheegaya in malleeshiyada Al-Shabaab ay caawa weerar ku qaadeen saldhigga milatariga Hiilweyne oo 25-km dhinaca waqooyi ka xiga Muqdisho.


Dadka degaanka,ayaa sheegay in malleeshiyaadka Al-Shabaab ay galeen xerada iyaga oo dilay Shan qof oo Afar ay yihiin rayid, kan kalena askari.


Wararka waxay intaas ku darayaan in malleeshiyaadkaas ay gubeen laba baabuur, kadibna ay ha baxeen haljaasi.


Weerarkan ayaa imanaya saacado kadib weerar kii Al-Shabaab ku qaadday hoteelka SYL oo ay ku dhinteen ugu yaraan 5-qof, 11-kalena ku dhaawacmeen.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading