Sanaag: Booliska Puntland oo gacanta ku dhigay khamri iyo dadkii watay

Ciidammada Booliska Dowladda Puntland oo howlgallo ka fuliyay magaalada Badhan ee Gobalka Sanaag, ayaa gacanta ku dhigay khamri farabadan, taas oo lagu qarinayay guri ku yaalla magaalada.

Taliska Qeybta Booliska Gobalka Sanaag ayaa sheegay inay sidoo kale qabteen dadkii doonayay inay ka ganacsadaan Maandooriyaha khamrida, kuwaas oo ku sugnaa Guriga, isla markaana dhawaan Maxkamad la horgeyn doono.

Sidoo kale, Taliska Qaybta Booliiska ayaa sheegay in howlgallada ay noqon doonaan kuwo si joogto ah looga fuliyo degaannada Gobolka si loo xaqiijiyo Ammaanka.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading