Qeyb kamid ah ciidamada kasoo goostay Somaliland ee ku biiray ciidamada difaaca Puntland ayaa saldhigyo ka samaystay degaanka Balli-busle ee gobolka Sanaag.
Saraakiisha hoggaaminaysa ciidamada ayaa kulan halkaasi kal qaatay waxgaradka iyo salaadiinta degaanka waxaana ay ballan qaadeen in ay diyaar u yihiin difaaca gobolka.
Sidoo kale wefdi ka socda Puntland oo ay hoggaaminayan Guddoomiyaha Baarlamanka iyo wasiirka Amniga ayaa ku sii jeeda degaanka Balli-busle ee ciidamadaasi ay joogan.
Dhaqdhaqaaqyadan ayaa socda xilli ay gobolka ka aloosantahay xiisad dagaal oo u dhexaysa Puntland iyo Somaliland.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.