Sanaag: Roobab mahiigaan ah oo burburiyay Isgaarsiintii Hadaaftimo

Wararka ka imaanaya Magaalada Hadaaftimo ee Gobolka Sanaag ayaa sheegaya in roobab ma higaan ahi ka da’ayeen illaa shalay galinki danbe, ay sababeen inay hawada ka baxdo Isgaarsiintii degaanadaas, kaddib markii ay dhacday birtii anteenada shirkadda Golis.

Dadka ku nool degaanada ku dhow dhow Degmadaas ayaa kusoo waramaya in xaaladu ay tahay mid murugsan, maadama aan la heyn xiriirkii dadkii ku noolaa Hadaaftimo.

Wararka ayaa intaas ku daraya in magaalada Badhan ee Caasimada Gobolka Sanaag ay ka amba-baxeen guddi isugu jira heer maamul iyo heer degmo ,Dhalinyaro iyo qaar ka mid ah Culimada magaalada badhan si looga war doono xaalada dhabta ah ee ka jirta Magaalada Hadaaftimo.

Wixi ka so kordha wan idinla so wadaagi doona.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading