Saraakiil iska fogeysay qoraalka NY Times

Saraakiisha sar sare ee maamulka Trump ayaa iska fogeeyey in ay qoreen maqaal lagu daabacay wargeyska New York Times kaasoo qofka qorey uu magaciisa qariyey.

Maqaalkaas ayaa lagu dhaliiley qaabka hogaamineed ee madaxweyne Trump oo lagu tilmaamey mid mid aan saameyn laheyn oo aan shaqeyn.

Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo oo hadlaayey isagoo ku sugan dalka India ayaa sheegey in maqaalkaasi yahay mid laga xumaado, isagoo sidoo kale xusey in qoraalkaasi yahay mid ay warbaahintu ku xaqireyso maamulka jira isagoo si weyn u qasaya xaalada.

Madaxweyne ku xigeenka Mike Pence ayaa xafiiskiisa uu sheegey in qoraaalkaasi uu ahaa mid uu aad heerkiisu u hooseeyo.

Agaasimaha sirdoonka qaranka Dan Coats ayaa isna soo saarey war qoraal ah oo ayuu ku sheegey in wararka la isla dhexmaraayo ee ah in isaga ama ku xigeenkiisa uu qoraalkaas ka danbeeyo ay tahay mid been ah.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading