Saraakiisha Ciidamada Jubaland oo ka hadlay Dukhayn lala beegsaday Alshabaab

Saraakiisha Ciidamada Daraawiishta Jubaland ee Soomaaliya ayaa sheegay in duqeymo dhinaca cirka ah oo 24-kii saac ee la soo dhaafay ka dhacay qeybo ka tirsan Gobbolka Jubada Dhexe lagu dilay ilaa 18 ka tirsan maleeshiyaadka Kooxda Al-Shabaab.

Maleeshiyaadka ku dhintay weerarada cirka ah ayaa la sheegay in xiligii duqeynta lala beegsanayay uu shir uga socday deegaan u dhjow degmada Jilib ee Gobbolka Jubada Dhexe.

Sida ay sheegeen saraakiisha Jubaland, dadka dhintay waxaa ku jiro xubno sare oo Shabaab ah. Ma jirto cid si madax banaan u xaqiijin karta dhimashada xubnaha Shabaabka.

Duqeymahan ayaa saraakiishu sheegeen inay fuliyeen diyaaradaha dagaalka Mareykanka oo gacan siinaya ciidamada Danab ee Soomaaliya


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading