Sareedo Jeyte oo loo doortay Senator 11-aad ee matalaya Puntland

Sareedo Maxamed Xasan, ayaa loo doortay Senatorka 10-aad ee Puntland ku matalaya Golaha Aqalka Sare ee BJFS, kaddib markii ay u tanaasushay Fartuun Yuusuf Jaamac oo aheyd musharixii la tartamayay.

Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa intaas kaddib cod gacan taag ah galiyay xubinimada Sareedo Jeyte, waxaana codka kalsoonida ah ay siiyeen 64 Xildhibaan.

Senator Sareedo Jeyte ayaa la dhalatay Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Puntland e PISA Mukhtaar Maxamed Jeyte.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading