Sarkaal ka tirsan Alshabaab Oo lagu bartilmaameedsaday Jilib

Warar aanu ka helnay hay’adaha amniga Dowlada Fadaraalka Soomaaliya ayaa sheegaya in weerar ka dhacay maalintii Talaadada nawaaxiga magaalada Jilib lagu bartilmaameedsaday sarkaal sare oo ka tirsan ururka Al-Shabab.

Ilo wareedyo dhinaca amniga ah ayaa sheegay in sarkaalka la bartilmaameedsaday uu yahay Bashiir Maxamed Qoorgaba oo ka mid ah madaxda dhinaca ciidanka ee Al-Shabab.

Sarkaalkaasi ayaa ilo wareedyadu aaminsan yihiin inuu ka badbaaday weerarkaasi, inkastoo wararka qaar sheegayaan inuu soo gaadhay dhaawac. Waxaase hay’adaha amnigu sheegayaan inuu ku dhintay weerarka dareewalkii Bashiir Qoorgaab.

Hawlgalkan ayaa la sheegay inay fuliyeen ciidamo Soomaali ah iyo kuwo ajaanib ah oo ay iskaashi leeyihiin.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading