Sarkaal ka tirsanaa Miltariga Oo loo magacaabay hogaanka Liyuu Booliska

Talyaha Liyuu Booliska maamulka Somalida Jigjiga ee cusub.
Talyaha cusub waxaa laga soo dhex xushay Ciidamada milatariga,Itoobiya waana Col darajadiisa.


Lama garankaro sida ay ula shaqayn doonaan Ciidamada Liyuu Booliska iyo kuwa Jamhada ONLF ee hada soo xarooday,balse dad badan ayaa ku tilmaamaya Nin hogaamin leh.


Dhanka kale bulshada Deegaanka,ayaa is waydiinaya khatarana ka muujinaya xulashada Col.Milatariga ah,inkastoo Dadka la socda siyaasada iyo xaalada amaan ee Deegaanku ay sheegayaan in ay sababtay magacaabistiisu khibrad iyo tababar xumida Ciidanka Liyuu Booliska.


Magacaabista sarkaalkan,ayaa imaanysa iyadoo wararka hoose ee laga helayo Deegaanku ay tilmaamyaan in uu jiro khilaaf u dhaxeeya Madaxweyne Mustafe iyo RW Abiye ayna dhici karto isbadal ku yimaada hogaanka Deegaanka.


Isku soo wada duuboo Degaanka Somalida,ayaa xiligan ku jiray jawi dib u heshiisiin iyo isku soo dhawaansho dhinacyada aragtida siyaasada ku kala duwan,


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading