Sarkaal kamid ahaa Ciidanka Koonfur Galbeed oo ku biiray Al-Shabaab

Sarkaal kamid ahaa Ciidanka Koonfur Galbeed oo lagu magacaabo Col. Mustaf Xasan Axmed, ayaa isku dhiibay Ururka Al-Shabaab.

Baraha Internet-ka Al-Shabaab ayaa lagu baahiyay in Col. Mustaf uu isku dhiibay dagaalamayaasha Kooxda ee ku sugan deegaanka Garasweyne oo ka tirsan gobolka Bakool, kaddib uu ka carooday dhibaatada Ciidamada Itoobiya ku hayaan shacabka Koonfur Galbeed.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed, kaas oo ku aadan sheegashada Al-Shabaab ee ah inuu kusoo biiray Col. Mustaf Xasan oo kamid ah Ciidanka KGS.

Col. Mustaf Xasan Axmed.

Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading