Sarkaal Sare oo la sheegay in uu ka tirsanaa Al-shabaab oo lagu dilay Sh/Dhexe


Sarkaalkii dagaalamayaasha Al-shabaab ee Degmadda Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa lagu dilay deegaanka Xagarey oo 40 KM u jirta Degmadaas.

Ninkaas ayaa waxaa lagu dilay sida la sheegay dagaal shalay gelinkii dambe dhexmaray Ciidanka Macawiisleyda iyo Al-shabaab.

Taliyaha Jabhadda Macawiisleyda Axmed Dhagey ayaa Warbaahinta dowladda u sheegay in sidoo kale howlgalka ku dileen Seddex dagaalame kadib weerar gaatin ah oo ay ku qaadeen deegaanka Xagarey oo ay ku sugnaayeen Al-shabaab.

Sarkaalka la dilay ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Macalin Caadey,sidoo kale wararku sheegayaa in xiliga la dilayey la joogay isna ku xigeenkiisii oo dhaawac dhanka duurka ugu baxsaday,waa sisa halka looga dhigay.

Deegaanka lagu magacaabo Xagarey oo hoos yimaada degmadqa Cadale ayaa waxaa halkaas xarun kula lahaa Al Shabaab iyadoona Weerarka lagu qaaday gabi ahaanba lagu soo burburiyey xaruntii ay halkaas ku lahaayeen.

Dhinca kale ma jiro war wax ah oo ka soo baxay Al-shabaab oo ay uga hadlayaan wararka sheegaya in la dilay Sarkaalkii dagaalamayaasha Al-shabaab ee Degmadda Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading