Sarkaalkii ICRC ka tisanaa Oo ugeeriyooday dhaawacii kasoo gaaray qaraxii gaariga loogu xiray

Hay’adda caalamiga ah ee Laanqayrta Cas ICRC ayaa sheegtay in mid ka mid ah shaqaalaheeda uu u dhintay dhaawac kasoo gaadhay qarax shalay ka dhacay Muqdishu.
 
War saxaafadeed ay soo saartay ICRC ayey lagu sheegay in ninkaasi uu u dhintay dhaawacyo kasoo gaaraay qarax lagu xiray baabuur uu saarnaa.
 
Sarkaalka geeriyooday oo lagu magacaabi jiray Cabdi Xaafid ayaa fiidkii hore ee xalay ugeeriyooday Dhaawac daran oo ka soo gaaray Qarax loogu xiray gaarigiisa, Waxa uu xiligaas marayay laami yaraha Zoobe ee Degmada Wadajir.
 
Marxuumka ayaa gaarigiisa waxaa xiligaas la saarnaa laba qof oo kale kuwaas oo la sheegay iney Qaraxa ka badbaadeen maadaama ay eheyd miinada Nooca Dhejiska loo yaqaano oo lagu xiro kursiga qofka bartilmaameedka ah

Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading