Saudi Arabia:-Malaayiin Xujey ah oo taagan maanta Buurta Carafo

Waxaa maanta ku cibaadaysanaya Buurta Carrafo,Malaayiin xujey si ay u gutaan waajibka ugu weyn ee xajka,Xujeeyda ayaa taagnaan doona banka carrafa waxayna taagnaan doonaan ilaa qoraxda ay ka dhacdo.
 
Culimaa’udiinka ayaa sheegaya in gudashada waajibaadka xajka ay tahay mid ka mid ah tiirarka ugu waa weyn Diinta ee islaamka.
 
Maalaayiin kale oo kunool daafaha caalamka oo aan u suuro galin ayaa iyana bilaabay in ay soomaan taasi oo qeyb ka ah gudashada cibaadada waqtigan, kuwaasi oo eebe ka rajaynaya in uu siiyo dembi dhaaf badan.
 
Dhanka kale Dowladda Sucuudigu ayaa sheegtay in ay sannadkan dib u celisay ku dhawaad 400,000 oo qof oo aan sidanin waraaqo rasmi ah oo ay ku geli karaan dalka si ay u gutaan waajibaadka Xajka.
 
Sannadkan dadka laga celiyey waxa ka mid ah xujayda Iran ee sannadkii hore qaadacay Xajka markii dawladoodu sidaa ka codsatay, ka dib khilaafkii Sucuudiga iyo dalkooda ee ay isku maan dhaafeen shilkii Xajka ka dhacay 2015-kii ee 2300 qof ku dhinteen.

Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading