Saw lama joogo xiligii loo lala xisaabtami lahaa Garaad Maxamed Cilmi Shirwac

Garaad Maxamed Cilmi Shirwac,waa mudan yahay in lagula xisaabtamo hagardaamaynta Beesha Cabdi-ciise uu sida joogtada ah ugu hayo.

Jagadii Cabdi-ciise usoo baxda Qoyskiisa hoose,ayuu la raadsadaa.

1 Xeer ilaaliyaha Xamar waa Qoyskiisa.
2.Gabadhii Xildhibaanada ahayd waa Qoyskiisa.
3.Wasiirkii Sayid waa Qoyskiisa.
4.Agaasimihii waa Qoyskiisa.

Boqolkiiba Sideetan Dadka Cabdi-ciise matalaya ama soo matalay waa Qoyskiisa.

Taasi kama dhigna in Beesha inteeda kale aysan lahayn Dad geya boosaskaas.

Cadaalad xumida Garaadka,waxaa udanbeeyay waxii hada Garowe ka dhacay.

Cumar Maxamuud oo isku raacsan in Cabdi-ciise Kursi ay helaan,ayuu dhaafiyay oo dhanka kale istaagay.

Garaadku danihii jifida uu xoojiyaha uyahay ilaalinteeda,waxuu uga tanaasulay oo ku badashay Dhulka Bangiga Gaalkacyo oo Deni siiyay.

Waxaa la joogaa markii Garaadka dib u Eegis lagu samayn lahaa ama la ag dhigi lahaa Xoojiye kale oo Islaanka iyo Beesha udhaxeeya.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading