Sawiro:-Farmaajo iyo Tamiim oo kulan wada qaatay

Madaweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa magaalada Doxa ee dalka Qadar kulan kula qaatay Amiirka dalkaas Shiikh Tamim Bin Xamad Al Thani.
 
Madaxweyne farmaajo iyo amiirka Qatar ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal, iyadoo amiirka Qadar uu u ballan-qaaday madaxweyne Farmaajo in ay ka qeyb qaadanayaan dib u dhiska Soomaaliya.
 
Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahad celiyey dowladda Qatar taageerada ay weligeed la garab taagneyd shacabka Sooomaaliyeed iyo mashaariicda ay ka wadaan dalka.
 
Waxaa kulankan goob joog ka ahaa wasiirro ka tirsan dowladaha Soomaaliya iyo Qatar, iyadoo dhinaca kale wasiirrada arrimaha dibeda ee labada dal ay kala saxiixden heshiisyo iskaashi.
 
Madaxweyne farmaajo ayaa sida qorshuhu yahay waxuu dalka dib ugu soo laaban doonaa maalinka beri ah hadii eebe idimo.
 
 
idilnews
Doha

Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading