Sawiro:-Garoonka Diyaaradaha Bosaso oo dib habayntii sanadlaha ahayd lagu sameeyay

Wasiirka Duulista hawada iyo Garoomada Dowladda Puntland mudane Xasan Xaaji Siciid ( xasan Cadde) ayaa sheegay in.

Hal (1) sano kadib ay yimaadeen khuburo ka socota shirkadii dhistay Airport ka Bossaso si ay u hubiyaan in uu dayactir u baahan yahay. Aad bayna ugu qanceen kormeer ay ku sameeyeen Airport ka.

Wasiir Xassan wuxuu sidoo kale ayaa sheegay in uu jiro qorshe ay isla wadaan Wasaaradda Iyo shirkadaha diyaaraha ee Puntland yimaada oo ah sidii loogu diyaar garaabi lahaa Qurbojoogta xiliga xagaaga wadanka imaanaysa.

Qurbojoogta Dalka imaanaysa Waxaan u diyaarinay koox (team ) Airport ka Tirsan oo ka si gaar ah u caawisa Dadka qurbaha ka imaanaya gaar ahaan hooyooyinka caruurta wata iyo Dhalinyarada wadanka imaanaya markii ugu horaysey Waxaana isla kaashanaynaa Xafiiska Arrimaha Qurboogta Puntland”ayuu yiri Xasan Cadde Wasiirka Duulista Hawada iyo garoomada.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Be the first to comment on "Sawiro:-Garoonka Diyaaradaha Bosaso oo dib habayntii sanadlaha ahayd lagu sameeyay"

Leave a comment

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading