Sawiro:-Gudoonka Baarlamaanka Puntland oo casho sharaf usameeyay Xildhibaanada labada Gole Ee Fadaraalka

Guddoomiyaha golaha wakiilada Baarlamaanka Puntland ayaa munaasibad soo dhoweyn ah ugu sameeyay wafuudii golayaasha Baarlamaanada heer Fedraal iyo heer dowlad goboleed ee kasoo qayb gashay Xafladda caleemasaarka madaxweynaha cusub ee dawladda Puntland Saciid Cabdulaahi Deni.


Waxaa kulanka soo dhaweynta diiradda lagu saaray arrimo ay ka mid ka yihiin muhiimadda ay leedahay wadashaqeyn dhex martay Baarlamaanada heer Federaal iyo heer dowlada goboleed,si loo horumariyo danaha umadda Soomaaliyeed.


Ugu horeyn waxaa munaasibada ka hadlay guddoomiyaha golaha wakiilada baarlamaanka dowlada Puntland C,xakiin Maxamed Axmed waxaana uu sheegay in uu soo dhawaynayo hay,adaha wafuuda baarlamaanada ka kala socotay Dowladda Soomaaliya iyo dowlad Goboleedyada.

Xareed Cali Xareed Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Galmudug iyo guddoomiyaha baarlamaanka Dowlad goboleedka Hir.shabeele Shiikh Cusmaan Barre ayaa madaxda baarlamaanka Puntland iyo shacabka uga mahadceliyay soo dhoweyntii ay reer Puntland u sameeyeen wufuudii Garoowe soo gaartay.

Mudane Mahad Cabdalla Cawad guddoomiye ku xigeenka 2aad Golaha Shacabka BFS ayaa sheegay in Garoowe ay Tahay meel nabad ah dalxiisyadii loo tagi jiray Nairobi iyo Yuganda lagu badalo.

Munaasibada waxaa soo xeray Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare BFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi waxa uu Sheegay in munaasibadan ay tahay mid loo baahnaa uuna u mahadcelinayo madaxda baarlamaanka Puntland .


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading