WAXAA GAROONKA DAYAARADAHA EE KISMAAYO KA SOO DEGAY MADAXWEYNE HALYEY SAYID AXMED SHEEKH MAXAMAD ISLAAM OO DALKA KA MAQNAA MUDDO 3 TODDOBAAD AH,ISAGOO BOOQASHOOYIN RASMI AH KU SOO MARAY DALALKA KENYA,IMAARAADKA CARABTA & ETHIOPIA,KUWAAS OO UU KA HELAY MARTIQAADYO RASMI AH.
WUXUU KU HORREEYEY KENYA OO UU KULA KULMAY MADAXDA DOWLADDA KENYA & WAKIILADA BEESHA CAALAMKA WAXEYNA KA WADA HADLEEN XAALADDA GUUD EE JUBBALAND IYO DARDAR GELINTA MASHRUUCA LA DAGAALANKA ARGAGIXISADA.
WAXEY BEESHA CAALAMKA & DOWLADDA KENYA KU AMMAANEEN MADAXWEYNE HALYEY SAYID AXMED MAAMUL-WANAAG(GOOD GOVERNANCE) IYO INUU DAACAD KA YAHAY LA DAGAALANKA ARGAGIXISADA;WAXAANEY QIREEN BEESHA CAALAMKA INUU YAHAY MAAMULKA JUBBALAND MIDKA KELIYA EE KU GUULEYSTEY XAG WALIBA HOWLAHII LO IGMADAY.
WUXUU MADAXWEYNE HALYEY SAYID AXMED SOCDAALKIISA UGA SII GUDBAY DALKA IMAARAADKA CARABTA OO UU MARTIQAAD RASMI AH KA HELAY,WAXAANA LABADA DOWLADOOD AY KA WADA HADLEEN XIRIIRKA GAAMURAY EE LABADA DHINAC EE XAGGA ISKAASHIGA : AMNIGA,GANACSIGA,MAALGASHIGA & HORUMARKA GUUD;QODOBADAAS OO GUUL KU SOO WADA DHAMMAADAY.
MADAXWEYNE HALYEY SAYID AXMED AYAA BOOQASHO KU TAGAY ADDIS ABABA OO AHEYD LUGTII 3AAD,WAXAANA HALKAASI KU SOO DHOWEEYEY RAYSAL-WASAARAHA ETHIOPIA Dr.ABIYU AHMED WAXEYNE KA WADA HADLEEN QODOBO FARA BADAN OO AY UGU HORREEYSO LA DAGAALNKA ARGAGIXISADA,HORUMARKA,MAALGASHIGA,NABADDA GUUD EE GEESKA AFRIKA.
RAYSAL-WASAARE Dr. ABIYU AHMED AYAA MADAXWEYNE HALYEY SAYID AXMED KU AMMAANAY DOWRKII SHARIIFKA AHAA EE UU KU LAHA WADAHALADII DOWLADDA FEDERAALKA EE ETHIOPIA IYO URURKA ONLF ,WUXUUNA KA CODSADAY INUU HALKIISA KA SII WADO WAANWAANTA,WUXUUNA KU SOO GEBGEBEEYEY OO UUYIRI WAX- QABDKAAGA XAGGA NABADDA TAARIIKHDA AYAA QORI DOONTA.
MADAXWEYNE HALYEY SAYID AXMED AYAA BOOQASHO SHARAF UGU TAGAY AQALKA UU KA DEGGENYAHAY ADDIS ABABA CABDIKARIIM SHEEKH MUUSE(QALBI-DHAGAX)
HADDABA RAYSAL-WASAARE Dr.ABIYU AHMED MARTIQAADKIISA MADAXWEYN HALYEY SAYID AXMED AYAA GUUL & KALSOONI U AH SHACBKA JUBBALAND IYO MADAXDOODA,XAGGA DIPLOMASIYADANA WAA SIYAASIGII UGU HORREEYEY EE MAAMULADA SOOMAALIYA KA JIRA EE RAYSAL-WASAARAHU UU QAABILO.
HADDABA KOLKA AYNU U SOO NOQONO JAWIGA SHACABKA JUBBALAND IYO MAGAALADA KISMAAYO AYAAN MAANTA U KALA HARIN SOO DHOWEYNTA MADAXWEYNE HALYEY SAYID AXMED,WAANA ISU SOO BIXI UGU WEYNAA EE ABID KA QABSOOMO KISMAAYO,WAXAANA SHACBKA KA MUUQATAY FARXAD AAN LA QIYAASI KARIN.
DHANKA KALE BOOQASHOOYINKII DIPLOMAASIYADEED EE MEEQAAMKA SARE AHAA EE GUUSHA XAMBAARSANAA EE MADAXWEYNE HALYEY SAYID AXMED AYAA AHEYD KAALINKII AY GABEEN DOWLADDA FEDERAALKA EE SOOMAALIYA .
MAAMULKA FASHILAN MARNA TAAGTA DARAN EE FADHIIGA AH KANA ARRIMIYA MUQDISHO AYAA GUUSHAASI U ARKAY GUULDARRO SOO WAAJAHDAY,WAXEY BILAABEEN ABAABUL LAGAGA SOO HORJEEDO MAAMULKA SUUBAN EE JUBBALAND,WAXEY SOO ABAABULEEN SHAQSIYAAD KU FASHILMAY SIYAASADDA GEESKA AFRIKA.
WAXAA LA FILAYAA MADAXWEYNE HALYEY SAYID AXMED SHEEKH MAXAMAD ISLAAM INUU DHOWAAN SOO SAARI DOONO QORAAL KU SAABSAN SOCDAALKIISA IYO WAX-QABADKIISA DIPLOMAASIYADEED EE DIBADDA.
XAFIISKA WARARKA
IDILNEWS KISMAAYO
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.