Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fadaraalka Soomaaliya ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay R/wasaare ku xigeenka Wadanka Turkiga oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.
Maxamed C/laahi “Farmaajo” Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fadaraalka Soomaaliya iyo Rw xigeenka Dalka Turkiga Veysi Keynak, ayaa waxay ka wada hadleen xiriirka u dhaxeeya labada dal ee Turkiga iyo Soomaaliya.
Madaxweyne Farmaajo ayaa R/wasaaraha Turkiga uga mahadceliyay Booqashada uu maanta ku yimid Magaalada Muqdisho, iyo taageerada Ballaaran ee dowladda Turkiga ay siiso Soomaaliya.
Veysi Keynak ayaa sidoo kale maanta Xafiisyadooda wuxuu kula kulmay R/wasaaraha Dalka Xasan Cali Khayre iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.