Taliska Hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Jubbaland ayaa Gelinkii dambe Maanta magaalada Kismaayo waxa ay ku soo bandhigeen 12 dhallinyaro oo ay sheegeen in ay ka mid ahaayeen Al-Shabaab.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Nabadsugida Jubbaland oo ku sugnaa Goobta raggaasi lagu soo bandhigayey ayaa waxa ay sheegeen in ay Ciidamada isku-soo dhiibaan 12 kaas ruux ee dhalinyarada u badan.
Ragga maanta la soo bandhigay ayaa Saraakiishu waxa ay sheegeen in ay ahaayeen kuwa maamulayey tuulooyinka qaar ee Gobolka Jubbada Hoose.





Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.