Sawiro:-Ra’iisul Wasaaraha oo ka qaybgalay Madal looga hadlayo Dar-dargelinta waxqabadka Xukuumadda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ka qeyb galay Madal looga hadlayo dar-dar galinta Waxqabadka Xakuumadda Federaalka Soomaaliya iyo diyaarinta qorshaha Xukumadda ee wax qabadka 90-ka maaalmood.
 
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka jeediyey qudbad uu kaga hadlayo qorshaha Xukumaddu ay doonayso inay dalka ku horumariso, gaar ahaan dhinacyada Siyaasadda, Arrimaha gudaha, Dhaqalaha, Waxbarashada, Caafimaadka Midnimada Ummadda, Siyaasad midaysan oo Soomaaliya kula macaamilayso Caalamka.
 
Ra’iisul Wasaaraha ayaa yiri: “Waa inaan shacabka dhexgalnaa oo an dhageysanaa tallooyinkooda, waa inaan aqbalnaa isla xisaabtanka, waa inan ciidankeena dhiiri gelinaa, ciidankeena aniga xitaa waxaa ii qorsheysan inaan ugu tego meesha ay jogaan xitaa hadii aan naftayda ku waynayo”.
 
Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayey Wasiirada madasha ka soo qeybgalay ayaa hadalkiisa ku daray “Maanta waxaad haysataan fursad Wanaagsan oo aad dalkiina uga saartaan dhibaatada, isla markaana aad samaysaan tariikh lagu xasuusto Xukumadda, taana waxaad ku samayn karaysaan in aad wada shaqayn wanaagsan yeelataan dhexdiina”.
 
Shirka waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka iyo xubno ka tirsan golaha Wasiirada ee Xukuumadda Soomaaliya.

Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading