Sawiro:-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Oo Lakulmay Saraakiisha AMISOM.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xafiiskiisa kula kulmay Madaxda ugu sareysa Ciidamada Midowag Afrika ee AMISOM, waxa ayna kawada hadleyn arimo muhiim ah.

Kulanka ka dhacay xafiiska Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya waxaa goob joog ka ahaa Madaxa ugu sareeya Ciidamada AMISOM Amb. Francisco Madeira Caetano,Taliyaha Milatariga AMISOM iyo Taliyaha Booliska AMISOM.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa kala hadlay Madaxda iyo taliyaasaha ugu sareeya AMISOM sidii loo xoojin lahaa howlagalada amaanka lagu xaqiijinayo iyo in wada shaqeyn dhaw ay yeeshaan AMISOM iyo xukuumada cusub.

Madaxda ugu sareysa AMISOM ayaa u balan qaaday Ra’isul Wasaare Xasan Kheyre in si dhaw ula shaqeyn doonana dowlada cusub ayna xoojin doonaan howlgalka lagu xaqiijinayo amaanka dalka iyaga oo kaa shanaya ciidanka Dowlada Soomaaliya.

 

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

2 Comments on "Sawiro:-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Oo Lakulmay Saraakiisha AMISOM."

  1. Mohamud mohamed | March 15, 2017 at 3:07 pm |

    Thanks for helping somali people

  2. Thanks for good colla oration

Leave a comment

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading