Sawiro:-Ra’isalwasaare khayre oo si weyn loogu soo dhaweeyay Adis-ababa

Ra’isalwasaaraha Somaliya Xasan Cali khayre iyo wafti uu hogaaminayo ,ayaa goor dhawayd gaarya Adis-ababa.
 
Ra’isalwasaaraha waxaa garoonak diyaaradaha ee Bole kusoo dhaweeyay xubno ka tirsan xukuumada itoobiya.
 
Soo dhaweyn kadib Rw Khayre waxuu kulan la qaatay dhigiisa Ra’isalwasaaraha itoobiya Hyalu Maryum Disale.
 
Beri waxaa adis ka furmi doona shir madaxeed ay yeelan doonaan wadamada ku bahaoobay urur Goboleedka IGAD,kaasoo looga arinsanyo xaalada Suudaanta Koonfureed ee cakiran.
 
Madaxweyne Farmaajo oo ay ahayd in uu ka qaybgalo shirkan ayaa ka baaqday soona wakiishay Rw Khayre,kadib hawlo fara badan oo gudaha dalka u yaal sida uu sheegay madaxweynuhu.
 
Safarka Ra’iisul Wasaaraha uu ku tagayo Addis Ababa ayaa noqonaya kii u horeeyay ee uu ku tago, sidoo kale waa safarkii labaad oo uu dalka dibaddiisa uga ambabaxo,

Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading