Sawirro: Abwaan Jaamac Kadiye oo lagu Aasay Laascaanood

Alle ha u naxariistee Abwaan Jaamac Kadiye Cilmi, oo galabnimadii shalay ku dhintay duqeyn uu maamulka Somaliland ka geystay xarunta gobalka Sool ee Laascaanood ayaa Aas Qaran loogu sameeyay qabuuraha dhaca duleedka Laascaanood.

Boqolaal qof oo ay ku jiraa madaxda SSC-KHAATUMO, Isimadda dhaqanka, waxgarad iyo shacab ayaa ka qeybgalay Aaska qaran ee Abwaan Jaamac Kadiye Cilmi.

AUN Abwaanka ayaa kamid ahaa hal-abuurka Soomaalida ugu magaca weyn, isagoo lagu xasuusto doorkii uu ku lahaa halganka dadka deegaanka SSC.

IDILNEWS


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading